Dagaal oo haatan ka socda qaybo ka mida Gobolka Mudug

Muqdisho, November 28, 2016: Wararka kala duwan ee naga soo gaaraya degaannada Dabagalo iyo Dumaaye oo hoos taga Degmada Xarar dheere ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya inuu saakay halkaasi ka billoowday dagaal xooggan oo gacmaha laysula tagay, kaasi oo u dhexeeya Dadka degaannadaasi iyo  ururka Al-Shabaab.

Goob-joogayaal ka mid ah Dadka degaannadaasi oo lasoo xiriiray Warbaahinta  ayaa sheegay in ay dharbaaxo xooggan gaarsiiyeen dagalamayaasha Al-Shabaab,kana dileen xubno isugu jira dagaal yahanno iyo Saraakiil.

Dhanka kale, waxaa haatan kusii wajahan goobaha ay dirirtu ka socoto Ciidamo ka tirsan maamul Goboleedka Galmudug, kuwaas oo kaabaya Dadka degaannadaasi ee dagaalka kula jira Ururka Al-shabaab.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *