R/wasaaraha oo ka hadlay Abaaraha Dalka ka dhacay

Muqdisho, November 24, 2016: Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke,Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka digay saameynta ay Abaaruhu sababi karaan ee ka jira Dalka, hadii aan gurmad deg deg ah loo helin.

R/Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay xubno ka tirsan Qaramada Midoobay in ay kala hadlayaan sidii gar gaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa wuxuu sheegay Abaarta jirta dalka hadii aan waxba laga qaban in ay saameyn xoogan yeelan doonto, islamarkaana dadka iyo duunyada ku nool dalka Abaarta ay waxyeeleyn doonto, taas oo dadka qaxooti ku  noqon-doonan dalkood.

Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *