Laba ka tirsan gudoomiyayaasha degmooyinka Banaadir oo Xildhibaanimo isku sharxay

Muqdisho, November 08, 2016: Wararka ka imaanayo degmada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay gaareen gudoomiyayaasha degmooyinka Heliwaa iyo Waabari kuwaasi oo u tartamaya kursiga Xildhibaanada aqalka hoose ee DF Somalia.

Guddoomiyaha Degmada  Heliwaa Maxamed Axmed Xaashi (Qoslaaye) iyo Guddoomiyaha degmada Waaberi Xaawo-kiin Maxamuud Cali ayaa dhowaan gaaray magaalada Cadaado.

Labadaan gudoomiya ayaa xilalkoodii heysta mana cada tilaabada uu ka qaadan doono maamulka Gobalka Banaadir,balse hadii ay xilka ku guuleystaan waxa ay ka tagi doonaan midka ay hayaan, kaas oo bedelkooda la keeni doono.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *