Qaar ka mid ah Ilaalada Ordugan oo la xiray

Muqdisho, July 23, 2016: Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in xabsiga dhigtay ku dhawaad 300 oo ka mid ah ilaalada madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kuwaas oo galay dambiyo kala duwan.

Qaar ka mid ah ilaaladaan, ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen afgambigii fashilmay ee lagu qaaday dalka Turkiga.

Madaxa madaxtooyada dalka Turkiga ayaa sheegay in ay xiriir la leeyihiin dadka la xiray kooxdii inqilaabka abaabushay.

Dowladda Turkiga ayaa xabsiga dhigtay kumanaan qof tan iyo markii uu dhacay afgambigii fashilmay ee waddankaas.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *