Shacabka reer Jabuuti oo saaka taagan goobaha cod bixinta

Muqdisho, April 8, 2016: Dalka Jabuuti guud ahaan maanta waxaa ka billoowday doorashada madaxtinimada iyadoo dadku ay safaf dhaadheer ugu jiraan goobaha cod bixinta.

Musharaxinta oo ka kooban Lix oo uu ka mid yahay madaxweynaha haya talada dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u tartamaya madaxtinimada dalkaasi, waxaana doorashadaasi kor kala soconayo korjoogto ka kala timid caalamka.

Ammaanka guud ee dalkaasi ayaa si weyn lo adkeeyay, iyadoo ciidamo farabadan lagu arkayo waddooyinka iyo goobaha cod bixintu ka socoto ee Jabuuti.

Ololihi doorashada ayaa  soo xirmay saqdii dhexe ee xalay, sida uu qabo sharciga doorashada dalkaasi, dadkuna wax ay diyaar u yihiin in codkooda ay dhiibtaan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *