Shir looga hadlayo qaybsiga kheyraadka shidaalka Soomaaliya oo ka furmay Nairobi.

Muqdisho, December 2, 2015 – Wasiirka Batroolka iyo Tamarta ee Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa magaalda Nairobi ka furey shir looga Hadlaya Batroolka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa waxa uu socon doonaa mudo 3-maalmood ah waxaana looga hadli doonaa  Qaybsiga Kheyraadka Dalka ,gaar ahaan shidaalka iyo Macadanta  ee Maamul goboleedyada Soomaaliya ,shirka  ayaa waxaa qayb galaya dhamaan Maamulada iyo Maamulada goboleedyada ka jira dalka,waxaana abaabulay oo fududeeyey Bankiga Adduuunka.

Wasiirka Batroolka iyo Tamarta ee Soomaaliya Maxamed Mukhtaar, ayaa shirka ka jeediyey  warbixin dheer oo ka hadleysa baaritaanada  shidaal oo laga sameeyey dhamaan gobolada Soomaaliya ,halka  ay marayan iyo qaabka ay u socdaan hawlaha Baaritaanada shidaalka iyo Macdanta.

Sidoo kale wasiirka ayaa ka warbixiyey shirarkii uu ka qayb galey oo looga hadlayey  shidaalka iyo Batroolka Soomaaliya

Maalmaha uu shirka socon doonaa yaa waxaa looga doodi doonaa qaabka iyo sida ugu haboon oo loo qaybsan karo kheyraalka,Batroolka iyo Macdanta ku jirta dalka.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *