RW Cumar C/rashiid oo Goor-dhow ka degay Cadaado

 

CUMAR-GKACYO-9-170x114

Moqdisho, November 27, 2015 — Ra’iisul Wasaaraha D F ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa mar dhow ka degay garoonka Magaalada Cadaado, ee xarunta Galmudug. RW Cumar C/rashiid waxaa  wehliya oo la socda xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa, waxaana ujeedada safarkiisu ku abaaranyahay xalinta dagaalka Gaalkacyo beryahaan ka socday. Wararka ayaa intaa ku daray in RW Cumar C/rashiid usii gudbi doono Magaalada Gaalkayo, gaar ahaan qeybta Waqooyi halkaasi oo wada tashi kula yeelan doono Odayaasha Dhaqanka ee  Reer Puntland.

Maalmahaan dambe ayaa arinta Gaalkacyo dhib ka taagnaa oo la isku mari waayay in la kala qaado kooxaha ka soo jeeda laba dhinac ee magaalada Gaalkacyo.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *