Wasiiro ka ka tirsan Galmudug oo Ceelbuur ku sii jeeda.

Muqdisho, 3 September 2015 – Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo wada socda ayaa manta la maleeynayaa in ay gaaran degmada Ceelbur, halkaas oo  ay doonayaan in ay u kuur galaan xaalka ay ku suganyihii dadka deegaanka.

Ceelbuur ayaa aya ahayd meel go’doon ku jirta in muda ah oo dadku ay  dhibaatooyin ku qabaan.

Amaanka degmada ayaa la adkeeyay si nabadgelyada wafdiga loo ilaaliyo. Ceelbuur ayaa noqotay meel cidla ah oo laga qaxay. Waxaa inta dheer in degmada ay biyo la’aan ka jirto oo ceelki ay dadku  biyaha ka dhaansan-jireen, mar hore laga furtay qalabi iyo Matoorki biya soo saarayay.

Wafdigaan ayaa la kulmi doono saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowlada eek u sugan magaalada Ceebuur.

____________________

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *